NACADA oo dadweynaha ka qayb gelin doonto la dagaalanka daroogada

0
244

Guddoomiye ku xigeenka maamulka ololaha qaran ee la dagaalanka maandooriyaha ee NACADA Ann Mathu ayaa sheegtay inay howlahooda ka qayb gelin doonaan shacabka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ololaha uu hadda diiradda saaraya xakameynta balwadda iyo yareynta baahida loo qabo.
Mathu ayaa xustay inay adeegsanayaan labo siyaabood oo kala ah ka hor tagga isticmaalka daroogada iyo dhaqancelinta loo sameeyo dadka qabatimay maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Guddoomiye ku xigeenka NACADA ayaa laga soo xigtay in tallaabooyinka ka hor tagga ah ee ay qaadayaan ay ka mid tahay barnaamijyo laga fulin doono deegaannada hoose.
Waxaa uu qorshuhu yahay in xarumaha diimeed , ururrada bulshada iyo kooxaha dumarka ay faafiyaan macluumaad wacyigelin oo ka dhan ah isticmaalka balwadda iyo haddii uu qofka billaabaya in laga caawiyo sida uu ku joojin karo.
Ann Mathu ayaa arrintan ka hadashay xilli ay u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Aasaasaha hay’adda Ahadi Kenya, Stanley Kamau ayaa dhankiisa sheegay in NACADA laga doonaya inay ogaato oo ay la dagaalanto shakhsiyaadka daroogada u gudbiya tuulooyinka.