NACADA oo amartay in la xiro baararka u dhow dugsiyada

0
193

Maamulka qaran ee ololaha ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee (NACADA) ayaa amray in albaabada loo laabo dhammaan goobaha lagu caweeyo ee u dhow xarumaha waxbarashada.
Maamulkan ayaa sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay in ardayda laga badbaadiyo isticmaalka khamriga iyo noocyada kale ee balwadda.
NACADA ayaa laga soo xigtay in go’aanka ay qaadatay uu yahay mid waafaqsan xeerka xakameynta isticmaalka khamriga ee la soo saaray sanadkii 2010-kii.
Xeerkan ayaa qeexaya in goobaha lagu caweeyo aynan dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada ee ay dhigtaan dadka ay da’doodu ka hooseyso 18 sano u jiri karin wax ka yar 300 oo miitar.
Sidoo kale waxaa xeerkan ku cad in cidii balwad ku dhex qaybisa meelaha la mamnuucay ay muteysanaysa ganaax lacageed oo dhan 500,000 oo shilin, xabsi saddex sano ah ama labaduba.
Madaxa fulinta ee maamulka NACADA ,Anthony Omerikwa ayaa sheegay in guud ahaan wadanka ay ka wadaan howlgallo ka dhan ah balwadda iyagoo kaashanaya ismaamullada.