Nabadoon xalay la dilay oo kaalin ku lahaa heshiiskii shalay lala galay Guudlaawe oo Beledweyne maanta lagu aasayo

0
368

Waxaa lagu wadaa in goor dhaw magaalada Beledweyne lagu aaso Alle ha u naxariistee nabadoon Cabdi Xuseen Colow oo ka mid ahaa odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, kaas oo xalay fiidkii ay dabley hubaysan ku dileen magaaladaasi.
Ma jirto cid loo soo qabtay dilka nabadoonkaasi ku jiray odayaashii madaxweynaha Hirshabelle shalay heeshiiska la gaaray.
Heshiiskaas oo ka koobnaa afar qodob oo ay la yimaadeen odayaasha, madaxweynaha Hirshabeellana uu sidooda ku aqbalay.
Nabadoonka ayaa lagu dilay xaafada Buundo wayn ee Magaalada Beledweyne.
Dilka nabadoonka ayaa waxaa fuliyay koox bastoolado ku hubeysnaa ku waas oo khaarijintiisa ka dib goobta isaga baxsaday.