Wararka aan ka helayno Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo Koonfurta dalk Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay lagu dilay nabaddoon caan ka ahaa degaanadaasi, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi.
Warbaahinta Gudaha Soomaaliya ayaa daabacday in koox hubaysan ay Toogasho ku dileen Nabaddoon Maxamad Xaashi Diriye xilli uu kasoo baxay Salaadda Cishaha, waxaana Nabadoonku uu kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee laf-dhabarta u ah arrimaha nabadaynta Gobolka, gaar ahaan Degmada Beled-xaawo iyo deegaanada Hoos yimaad.
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Kooxdii dilka Fulisay ay Isaga Baxsadeen Goobta, waxaana halka falku ka dhacay gaaray Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo Howlgallo ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay iyo xaafadaha kale ee ka ag dhow.