Naafada Wajeer oo la siinaya 170 milyan

0
453

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa sheegay in la soo saari doono dhaqaale dhan 170 milyan oo shilin oo loogu talagalay dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Lacagtan ayuu xusay in aan la bixin afartii sano ee ugu dambeeyay.
Waxaa uu intaa ku daray in miisaaniyaddan dhaqaale loo qoondeeyay dadka naafada ah ee Wajeer xilligii uu guddoomiyaha ahaa Axmad Cabdullahi
Dhanka kale waxaa maanta maamul ahaan deegaan laga dhigayaa magaalada Diif ee Koonfurta ismaamulka Wajeer iyadoo halkaasi la geynaya guddoomiye matalaya dowladda dhexe.