Mwangi Wa Iria oo lagu siidaayay damaanad lacageed oo ah 10 milyan

0
310

Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Murang’a Mwangi Wa Iria ayaa iska fogeeyay dacwad lagu soo oogay oo ahayd in isaga iyo eedeysanayaal kale ay intii u dhexeysay sanadkii 2015-kii iyo 2016-kii lunsadeen 140 milyan oo shilin.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah xaaskiisa Jane Waigwe Kimani, walaalkeed oo lagu magacaabo Solomon Mutura Kimani ,Patrick Kagumu Mukuria, Jane Wanjiru Mbuthia, David Maina Kiama iyo David Mamma Njeri.
Hasa ahaate waxaa uu gaashaanka u daruuray gebi ahaanba eedeymahaasi.
Maxkamadda ayaa ku amartay inuu bixiyo damaanad lacageed oo ah 10 milyan oo shilin ama wax qiimo ahaan u dhigma 20 milyan oo shilin.
Garsoore sare Thomas Nzioki ayaa sidoo kale Wa Iria ku amray inuu wareejiyo baasaboorkiisa sidoo kalena uunan faragelin ku sameyn marqaatida qaybta ka ah dacwadda uu wajahaya.