Muxuu Sanbaloolshe ka yiri qaraxii lagu dilay Aamina Maxamad Cabdi?

0
443

Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in qaraxii xalay lagu dilay xildhibaanad Aamino Maxamad Cabdi uu ahaa mid siyaasadeysan oo la qorsheeyay.
Sanbaloolshe oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in xilliyada qaraxyadu ay dhacayeen uu ku sugnaa meel waxyar u jirta, islamarkaana dadka ku dhintay ay yihiin, Mas’uuliyiin, Shacab iyo Askar.
Waxaa uu intaasi ku daray in xilliga ay qaraxyada dhacayeen ay soo dhammaatay doorashada Kursiga tirsigiisu yahay #063 sidoo kalena la guda galayay doorashada kursiga #011, balse qaraxyada ay dhaceen.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri Sanbaloolshe

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa si wayn saaka looga dareemayaa saameynta ka dhalatay qaraxyada, waxaana socda baaritaanno ay wadaan laamaha Amniga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne.