Muxuu Raila ka qabanaya sicir bararka haddii hoggaanka dalka loo doorto?

0
565

Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya , Raila Odinga ayaa ballanqaaday in haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya ee dalka uu sameyn doono isbeddelo ballaaran.
Waxaa uu sheegay in 100-ka cishe ee ugu horreeya maamulkiisa uu xallin doono sicir bararka dhanka maciishadda ee hadda ka jiro gudaha dalka.
Waxaa uu Mr. Odinga dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay inuu loolanka siyaasadeed uga adkaan doono madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto.