Muxuu Muuse Biixi ka yiri dabkii xalay baabi’iyay suuqa ugu wayn Hargeysa?

0
632

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dadkii lahaa hantidii xalay ku burburtay dab qabsaday suuqa ugu magaalada Hargeysa uga tacsiyeeyay Ilaahyna uga baryay inuu samir iyo imaan ka siiyo.
Waxaa uu sheegay inaysan dhimasho jirin, hasa ahaate 28 qof oo ay sagaal dumar yihin ay dhaawacyo fudud soo gaareen.
Waxaa uu raaciyay “Hargeysa waynu dhisanaynaa, iyadoo sidan ka xun ayaynu dhisanay” ayuu yiri Madaxweyne Biixi
Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi’iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.
Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayuu kacay dabka, hasayeeshee kooxaha dab damiska ee la tacaalaya xakamaynta dabka ayaa howshoodii waxaa carqaladeeyay suuqa oo aanan lahayn waddooyin waafi ah oo loo maro.
Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5 kiilomitir ayaa tan iyo wakhtigan waxaa soconaya dadaallada lagu daminayo dabkaasi ka kacay, iyadoo maayirka magaalada Hargeysana uu isagoo qiiraysan tilmaamay in hantidii magaaladiisa ay baaba’day.