Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo mamnuucaya in ay halkaasi u safraan muwaadiniinta ka soo jeeda 12 waddan.
Qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ee White House ayaa lagu sheegay in sidoo kale xannibaad dhanka safarrada ah la saaray rayidka 7 dal oo kale.
Dalalka aynan shacabkooda u safri karin Maraykanka ayaa kala ah Afghanistan, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Myanmar, Somalia, Sudan iyo Yemen.
Waxaa xannibaad sare la saaray muwaadiniinta Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.
Trump ayaa amarka madaxweyne ee uu saxiixay ku sheegay in ay qasab tahay inuu qaado tallaabo lagu ilaalinaya amniga qaran iyo danaha qaran ee Maraykanka iyo shacabkiisa.
Amarkan ayaa dhaqan galaya Isniinta soo socoto ee 9-ka bishan Lixaad ee June marka saacadda dalkaasi ay tahay abaare 12:01 ee habeennimo.
Waxaa qoraalka ku xusan in wixii dal ku gal ama fiisa ah ee la bixiyay ka hor shalay in aan laga laaban doonin.