Waxaa maxkamadda magaalada Mwingi ee ismaamulka Kitui ka soo hor muuqday saddex qof oo u dhashay Shiinaha.
Waxaa lagu kala magacaabaa Le Chuan Chen, Le Lei Chen iyo Qi Zhao Zin.
Saddexda qof ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay si khiyaano ah lacag ku qaateen.
Waxaa maxkamadda lagu wargeliyay inay bishii Toddobaad ee sanadkii 2020-kii heshiis la galeen shirkadda Ederman.
Qandaraaska ayaa dhigayay inay mashiinno ku wareejiyaan taaso ay ku qaateen 320 milyan oo shilin.
Hasa ahaate ka dib markii lacagta lagu wareejiyay ayay dhuumaaleysi billaabeen.
Waxaa ay dib u soo laabteen labo sano ka dib iyagoo sida qalab ay tayadiisu ka hooseyso midkii lagu heshiiyay.
Garsooraha maxkamadda Mwingi, Ismaaciil Ruhu ayaa sheegay in eedeysanayaasha ay xaq u leeyihiin in damaanad lagu siidaayo.
Mid waliba oo ka mid ah waxaa uu bixinaya damiin 2 milyan oo shilin ah wuxuuna maxkamadda ku wareejinaya baasaboorkiisa.
Sidoo kale waxaa uu marayaa dhaarasho isagoo caddeynaya halka uu deggan yahay.
Maxkamadda ayaa amartay in eedeysanayaasha ay saddex toddobaad ka dib iska xaadiriyaan xarunta waaxda dambi baarista ee Mwingi .
Tuhmanayaasha ayaa la xiray galinkii hore ee Isniinta.
Maxkamadda ayaa dacwadda ay wajahayaan mar kale soo hadal qaadi doonto 21-ka bishan Diseembar.