Muwaadin Soomaaliyeed oo 17 sano u xirnaa dowladda Talyaaniga oo qarax lagu dilay Muqdisho

0
469

Alle ha u Naxariistee Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley qarax loogu xiray Gaarigiisa lagu dilay Xaashi Cumar oo ahaa muwaadinkii Somaaliyeed ee u xirnaa Dowladda Talyaaniga muddo 17 sano, balse markii la soo daayay dhawaan helay Lacag magdhow oo gaareysa 5 Milyan oo doolar.
Cumar Xaashi ayaa dowladda Talyaaniģa waxaa ay u haysatay inuu ka dambeeyey dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabar wariye ahayd oo lagu Magacaabi jiray llaria Alpi oo la dilay 20-kii Bishii Maarso ee sanadkii 1994-tii, Hayeeshee markii dambe wax dambi ah lagu waayay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xaashi dhaawac culus oo markii hore ka soo gaaray qaraxa uu ugu geeriyooday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo xaaladdiisa lagula tacaalayay.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo muddo kooban xiray waddooyinka soo gala Goobta, waxaana jirin ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo dad loo qabtay.
Laamaha Amniga Soomaaliya iyo Maamulka degmada Dharkeenley ayaa weli ka hadlin qaraxa waxaana uu ku soo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho bilihii la soo dhaafay ay ka yaraadeen qaraxyada gawaarida dadka loogu xiro.