Waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi ka soo degay Stephen Munyakho oo ah shakhsi kenyaan oo laga soo siidaayay xabsi ku yaalla boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Munyakho oo muddo 14 sano ah ku jiray xabsigaasi ayaa wajahayay xukun dil ah.
Hasa ahaate, waxaa uu xurriyaddiisa dib u helay ka dib markii laga bixiyay lacag diyo ah.
Lacagta la bixiyay ayaa ahayd ilaa hal milyan oo doollarka Maraykanka ah sida uu sheegay xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Abraham Korir Sing’Oei oo warbaahinta kula hadlay JKIA.
Waxaa uu muwaadinka kenyaanka ah sidaasi uga badbaaday fulinta xukunka dilka ee lagu soo rogay sanadkii 2024-kii.
Stephen ayaa waxaa garoonka JKIA ku soo dhaweeyay xubnaha qoyskiisa , saaxiibbadiisa iyo saraakiil dowladeed.
Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi oo bayaan soo saaray ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay in la soo siidaayo Munyakho oo loo haystay fal dil ah.
Mudavadi ayaa sheegay in markii qofkan lagu xukumay dil uu isla markiiba warqad u qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga isagoo codsanaya in fulinta xukunkaasi dib loo dhigo taasi oo laga oggolaaday.
Waxaa uu Mudavadi u mahadceliyay madaxweynaha dalka Dr. William Ruto oo uu sheegay inuu si toos ah u wacay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamad Bin Salmaan isagoo u bandhigay in Kenya ay doonaysa in arrintan lagu dhameeyo qaab dibloomaasiyadeed.
Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in ay bogaadinaysa dadaalladii ay arrintan ku bixiyeen golaha sare ee muslimiinta dalka ee (SUPKEM), bulshada muslimiinta ah ee Kenya , Dalladda caalamka ee muslimiinta ee Muslim World League, baadariyaasha kaniisadda Catholic-gga ee dalka iyo shacabka.
Dr.Korir Sing’oei ayaa sidoo kale u mahadceliyay Joseph Odindo oo hoggaaminayay ololaha lagu doonayay in Munyakho uu xurriyadiisa dib u helo.
Xoghayaha ayaa sidoo kale amaanay qoyska Stephen si gaar ah hooyadiisa Dorothy Kweyu oo uu xusay in ay adkeysi muujisay.
Musalia Mudavadi, madaxa wasiirrada dalka ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay muujisay sida ay u qadariso xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Kenya.
22-kii bishan Toddobaad ayay ahayd markii la xaqiijiyay siidaynta Stephen Munyakho oo maanta dalka yimid.
Waxaa uu ugu horreyn u mahadceliyay Alle maadaama uu weli nool yahay intaasi ka dibna qoyskiisa , saaxiibbadiisa iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd in aan lagu fulin xukunkii dilka ahaa.
Munyakho ayaa inuu waddanka dib ugu soo laabtay ku tilmaamay arrin mucjiso ah.
Sanadkii 2013-kii ayaa lagu helay inuu dilay qof u dhashay Yemen oo ay maqaaxi ka wada shaqeynayeen .
Qoyskiisa ayaa xusay in wiilkooda la soo weeraray oo uuna dilka gaystay isagoo is difaacaya.