Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehlinayo wasiirka Arrimaha Dibbada ee Somaliland ayaa maanta waxaa uu habka maqalka iyo muqaalka ah ee (Video Conference) kulan kula yeeshay Safiirka Ingiriiska iyo ku simaha Safiirka Maraykanka.
Ugu horayn, Madaxweynaha waxa uu uga warramay safiirrada xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaaraya hal milyan iyo bar oo qof ay u baahan yihiin gargaar bin’aadanimo.
Waxaa uu si qoto dheer uga hadlay in taakulada caalamiga ah ee loogu talagalay Somaliland aynan noqon mid loo soo mariyo cid kale ee lagu saleeyo qorshaha Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay howlaha doorashooyinka ee socda, sida tartanka ururrada siyaasadda iyo qabsoomida doorashooyinka ku soo foolka leh, Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka.
Ugu dambeyntii safiirradu waxay madaxweynaha uga mahadnaqeen kulanka ay la qaateen, iyagoo ballaqaaday inay Somaliland si dhow ula shaqeyn doonaan.




