Muudavadi oo booqan doono Ruushka iyadoo dowladda ay dib u soo celinayso 27 muwaadiniin ah

0
248

Dowladda ayaa dib dalka ugu soo celisay 27 muwaadiniin oo ku xayirnaa Ruushka ka dib markii si sharci darro ah loogu qoray dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine. Dowladda ayaa tallaabadan ku fulisay dadaallo degdeg ah oo dhinaca diblomaasiyadda iyo qunsuliyadda ah oo ay hormuud ka ahayd safaaradda Kenya ee Moscow.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ayaa sheegtay in inta badan dadka la soo badbaadiyay ay ku dhaceen shabakado shaqaaleysiin oo lala xiriirinayo ciidamada Ruushka. Dowladda ayaa sidoo kale qorsheynaysa in madaxa golaha wasiiradda ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi uu booqdo Moscow si uu wadahadallo toos ah ula yeesho dowladda Ruushka, isla markaana looga hortago in Kenyaan kale ay halis noocaas ah galaan.
Warbixinno laga helay muwaadiniinta la badbaadiyay ayaa muujiyay in qaar lagu qasbay inay sameeyaan shaqooyin khatar ah sida ururinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo la tacaalidda kiimikooyin halis ah iyaga oo aan haysan tababar ama qalab badbaado. Dowladda ayaa sidoo kale ka digtay khataraha kale ee ay ka mid yihiin ka ganacsiga dadka, shaqo qasab ah iyo ku lug lahaanshaha dambiyo sida tahriibinta daroogada.
Dowladda ayaa sheegtay in muwaadiniinta dib loo soo celiyay la siinayo taageero nafsi iyo bulsho si ay dib ugu laabtaan noloshooda caadiga ah. Waxaa sidoo kale jira barnaamij dib u dhexgelin bulsho oo loogu talagalay in lagu taageero caafimaadkooda jireed, maskaxeed iyo nololeed. Dowladda ayaa sidoo kale wadahadal ay la leedahay Ukraine si loo hubiyo sii deynta Kenyaan loo haysto maxaabiis dagaal ahaan.