Afhayeenkii hore ee booliiska dalka Charles Owino ayaa wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee waddanka Justin Muturi ku eedeyay inuu ku xadgudbay kalsoonidii uu u muujiyay madaxweynaha qaranka William Ruto .
Tani ayaa timid ka dib markii Muturi oo dhawaan warbixin u gudbiyay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da uu eedeyn u jeediyay adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Waxaa uu bayaankiisa ku sheegay in bishii 6-aad ee sanadkii hore ay waaxdan xaqiijisay in ay gacanta ku haysay wiilkiisa oo xilligaasi la afduubtay.
Waxaa uu intaasi ku daray in wiilkiisa la soo siidaayay ka dib markii uu madaxweyne William Ruto la xiriiray agaasimaha guud ee NIS Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji.
Charles Owino ayaa eedeynta Justin Muturi ku sheegay mid aan laga fiirsan.
Waxaa uu xusay in xeer ilaaliyihii guud ee hore ee dalka haatanna ah wasiirka adeegga dadweynaha uu ka hadlay arrin xasaasi ah.
Owino oo xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa carrabka ku adkeeyay in wasiirka adeegga dadweynaha laga doonayay in xita haddii sida uu wax u sheegay ay u jireen, inuu is xakameeyo isagoo qadarinaya in madaxweynaha uu ka caawiyay soo siidaynta wiilkiisa Leslie Muturi sida uu ku andacooday.
Waxaa uu sheegay in xita haddii ay kala duwanaansho u dhexeyso mas’uuliyiinta sare ee dowladda, inay lagama maarmaan tahay in arrimaha xasaasiga ah aynan uga hadlin si aan ka fiirsasho lahayn.
Owino ayaa xusay in Justin Muturi ka wasiir ahaan looga baahan yahay inuu oggolaado go’aammada golaha fulinta ee dowladda ee uu ka tirsan yahay mise uu is casilo.
Waxaa uu ka digay in la siyaasadeeyo adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS .
Hasa ahaate , waxaa aragtida Charles Owino ka soo horjeestay agaasimaha fulinta ee hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International qaybteeda Kenya, Irungu Houghton.
Waxaa uu sheegay in Justin Muturi uu yahay mas’uul sare oo dowladda ka tirsan sidaasi awgeedna aan eedeyntiisa la fududeysan karin.
Irungu ayaa xusay in tallaabada xigta ee loo baahan yahay ay tahay in agaasimaha guud ee NIS uu dhankiisa caddeeyo sida ay wax u dhaceen maadaama eedeyn loo jeediyay.