Guddiga qaran ee muslimiinta ee loo xilsaaray la tacaalidda cudurka COVID19 ayaa bulshada ugu baaqay in iyada oo maalmo ka dib loo dabaal degi doono munaasabadda ciidul fitriga aan la hilmaamin halista cudurka.
Guddoomiyaha guddigan Prof. Maxamad Karama ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qof kasta ay mas’uuliyad shakhsiyadeed ka saaran tahay badbaadinta naftiisa.
Waxaa uu guddiyada masaajidda kala duwan xusuusiyay in ay xaqiijiyaan in shacabka halkaas ku cibaadaysanaya ay kala fogyihiin sidoo kalena ay sitaan afduubka.
Muslimiinta ku nool gudaha wadanka ayaa lagula taliyay in ay dabaal degaan iyaga oo si buuxda ugu hoggaansamaya talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafidda corona.
Dowladda ayaa shaacisay in 14-ka bishan oo ku beegan maalin Jimco ah ay tahay maalin fasax ah si muslimiinta ay fursad ugu helaan farxadda la xiriirta munaasabadda ciidul fitriga.
Home Wararka Kenya Muslimiinta oo lagu boorriyay in ay ilaaliyaan xeerarka COVID19 xilliga munaasabadda ciidda