Muslimiin ka carooday gubista kitaabka Qur’aanka Kariimka oo kaniisado ku gubay dalka Pakistan

0
244

Kooxo hubeysan oo careysan ayaa weerar ku qaaday ugu yaraan labo kaniisadood oo ku yaalla magaalada Jaranwala ee gobolka Punjab ee dalka Pakistan.
Waxaa ay labo nin masiixiyiin ah ku eedeeyeen inay aflagaadeeyeen diinta Islaamka.
Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay boqolaal dad ah oo ku hubeysan budad iyo ulo oo weerarraya kaniisadaha Salvation Army iyo Church Catholic ee Saint Paul, iyagoo dab qabadsiiyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka careysan ay sidoo kale weerar ku qaadeen guryo gaar ah oo ayna dab qabadsiiyeen.
Dhacdadan ayaa la xiriirta gubida Qur’aanka Kariimka.