Waxaa uu qorshuhu yahay in 26-ka bishan toddobaad dood loo qabto musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa ka soo horreeya doodaha madaxweyne ku xigeennada oo loo asteeyay 19-ka July.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday guddi qaban qaabinaya doodaha oo ay ka mid yihiin ururka mulkiilayaasha warbaahinnada dalka ee (MoA), golaha warbaahinta ee (MCK) iyo dalladda tifaftirayaasha ee Kenya Editors Guild (KEG).
Madaxa xoghaynta doodaha Clifford Machoka ayaa bayaan ku sheegay in sanadkan taariikhdu marka ay tahay 11-ka bishan dood loo qaban doono musharraxiinta xilka barasaabnimo ee ismaamulka Nairobi.




