Musharraxiinta madaxweyne ee Nigeria oo saxiixay heshiis nabadeed

0
237

18 musharrax oo loolan ugu jiro qabashada xilka madaxtinnimo ee dalka Nigeria ayaa saxiixay heshiis ku saabsan inay nabadgalyada ku dadaalayaan.
Waa heshiiskii labaad oo ay siyaasiyiintan qalinka ku duugaan.
Is-afgaradka ayaa lagu meel mariyay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinaya in 25-ka bishan ay doorasho guud oo nabad ah ka qabsoonto Nigeria.