Siyaasiyiinta doonaya inay xilliga doorashada guud ee sanadkan si madax ugu tartamaan jagooyinka hoggaanka ayaa dacwad u gudbiyay maxkamadda.
Waxay dalbanayaan in loo oggolaado inay sameystaan isbeheysi siyaasadeed oo u gaar ah.
Qareenka matalaya dhaqdhaqaaqa xorta ah ee Free Kenya Movement Danstan Omari ayaa arrintan warbaahinta u sheegay.
Waxaa uu xusay inay musharraxiintan doonayaan in maxkamadda sare ee wadanka ay sharci darro ka soo qaado xeerka lagu maamulo xisbiyada wadanka.
Omari ayaa hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in la tixgeliyo xuquuqda dastuuriga ee musharraxiinta madaxa bannaan ee aan xisbi ka tirsanayn.
Waxaa uu intaasi ku daray in sanadkii 2013-kii, baarlamaanka dalka ay si madax bannaan ugu biireen 4 xildhibaan, tiradan ayaa doorashadii la soo dhaafay ahayd in ka badan 13 halka sanadkan la filayo inay sare u sii kacdo.