Waxaa maanta oo Arbaco ah billaaban doonta turxaan bixin lagu sameynaya siyaasiyiinta daneynaya in xilliga doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay ku xigeen u noqdaan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga.
Turxaan bixinta ayaa waxaa sameyn doono guddi loo xilsaaray inuu musharraxiintan kala saaro oo ka kooban toddobo xubnood.
Sida laga soo xigtay xoghayaha guddigan Elizabeth Meyo, geeddisocodka su’aalo weydiinta ayaa la wadi doonaa ilaa 10-ka bishan Shanaad ee May.
Intaasi ka dib waxaa Raila Odinga loo gudbin doonaa magaca siyaasiga ku soo baxa qiimeynta si uu kenyaanka ugu soo bandhigo ku xigeenkiisa.
Elizabeth Meyo ayaa hoosta ka xarriiqay in musharrax kasta oo u hanqal taagaya xilka madaxweyne ku xigeenka dalka ay qasab tahay inuu buuxiyo shuruudo looga baahan yahay.
Waxaa shuruudahan ka mid ah qiimaha uu u leeyahay dastuurka wadanka , muujinta inuu qadarinaya shacabka kenyaanka ah iyo in xafiiska uu la wareegi doono shakhsigaasi uu uga shaqeyn doono si sharaf , daacadnimo iyo hufnaan ay ku dheehan tahay.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa horay u shaaciyay in xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ay haystaan ilaa 16-ka bishan si ay u gudbiyaan magacyada musharraxiinta madaxweyne, barasaabyada iyo ku xigeenadooda.