Maxkamadda racfaanka ee magaalada Dakar ayaa sheegtay in musharraxii madaxweynenimo ee mucaaradka ee dalka Senegal , Bassirou Diomaye Faye uu ku guulaystay in ka badan boqolkiiba 54 ee codadkii laga dhiibtay doorashada guud.
Waxay maxkamaddu sheegtay in natiijadan ay ka soo baxday tirinta codadka boqolkiiba boqol ee goobaha codbixinta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maalmaha nagu soo aaddan uu golaha dastuuriga ee Senegal xaqiijiyo natiijadan.
Faye oo 44 sano jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda Senegal.