Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Agano oo qorshihiisa soo bandhigay

0
313

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Agano Party, David Waihiga Mwaure ayaa shalay shaaciyay qorshihiisa hoggaamineed.
Waxaa uu kenyaanka la wadaagay 12 qodob oo uu ballanqaaday inuu fulin doono haddii ay hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka u doortaan 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Saddexda musharrax ee kale Raila Odinga, William Ruto iyo George Wajackoyah ayaa horay qorshahooda u shaaciyay.
Qorshaha xisbiga Agano ayaa hal qabsi looga dhigay ‘Badilisha’ oo ay micnaheedu tahay isbeddel samee.
Haddii David Mwaure iyo ku xigeenkiisa Ruth Mutua ay madaxtinnimada dalka la wareegaan waxay kordhin doonaan qiimaha miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada iyagoo ka dhigaya boqolkiiba 40.
Boqolkiiba 10 ee lacagtan ayay u qoondeynayaan golayaasha deegaannada hoose ama tuulooyinka.
Mr. Mwaure ayaa damacsan inuu soo dhiso guddi eegi doono inay suurtagal tahay in doorashada guud ka dib meesha laga saaro dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu doonaya in marka la gaaro sanadka 2027-ka , barasaabka Nairobi uu noqdo shakhsi uu madaxweynaha dalka soo magacaabo xubinna ka ah golaha wasiirrada.
Musharraxa ayaa ballanqaaday inuu shaqaalaha Kenyaanka ah ka cafin doono boqolkiiba 50 ee canshuurta la xiriirta musharaadka ee PAYE.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu abuuri doono jawi wanaagsan oo ganacsi.
Waxaa uu ballanqaaday in shakhsiyaadka musuqmaasuqa sameeya qaab sharciyeed lagula xisaabtami doono.
Mwaure ayaa qorsheynaya in si wax looga qabto dhaqaale xumida dalka ka jiro in maamulka dib u hanashada hantida ee Asset Recovery Agency la hoos geeyo madaxtooyada.
Sidoo kale in la daadajiyo dhaqaalaha deegaannada hoose oo aan laga sugin wasaaradda qaran ee miisaaniyadda.
Mwaure ayaa doonaya inuu sameeyo xeer xaqiijinaya in warbixinnada xafiiska hanti dhowraha dalka loo adeegsan karo caddeyn wax ku ool oo ka dhan ah ku takriifalka awoodeed iyo lacagaha dadweynaha oo si aan habbooneyn loo isticmaalo.
Musharraxa ayaa sheegay inay xaqiijin doonaan in lacag dhan 15 triliyoon oo sida uu aaminsan yahay dalka laga dhacay kadibna akoonno dibadeed lagu kaydsaday uu dib u soo celin doono isagoo kaashanaya dowladaha waddamada kala duwan ee lacagahan lagu qarsaday.
Sidoo kale maamulkiisa ayaa lacagaha amaahda ee ay dowladdu dib u bixin karto ku jaangoyn doono hal tiriliyoon oo shilin.
Musharraxa ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadweynaha la wadaagi doono heshiisyada lala galay shirkadaha shisheeye ee lagu dhisay marinka casriga ee tareennada ee SGR, waddada wayn ee Nairobi Expressway, dekadaha Mombasa, Lamu, Naivasha iyo Kisumu.
Xisbiga Agano waxaa uu ballanqaadaya inuu furi doono xafiis gaar oo qaabilsan diiwaangelinta qoysaska si macluumaadka lagu diiwaangeliyay adeegga Huduma Number ay u suurtageliso in dib u habeyn lagu sameeyo diiradda qorshaha dowladda oo laga dhigo mid ku saleysan qoysaska.
Mr. Mwaure ayaa sheegaya inuu xaqiijin doono in qoys waliba uu ka tirsan yahay ugu yaraan hal qof oo shaqeeya.
Barnaamijka caafimaadka baahsan ee UHC ayuu ballanqaaday inuu daahfuri doono iyadoo lagu saleynaya xogaha laga hayo cudurrada.
Maamulkiisa ayaa mudnaanta koowaad siin doono la tacaalidda kansarka , dhibbanayaasha shilalka isagoo dhanka kale ballanqaaday in qarashaadka caafimaad laga cafinaya qof kasta oo ku geeriyoodo isbitaal dowladeed.
Sidoo kale dadka ay da’doodu tahay 70 sano iyo wixii ka wayn waxay maamulka David Waihiga Mwaure haddii uu guulaysto ka heli doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah.
Waxaa uu qorsheynaya inuu xoojiyo waaxda amniga ee wadanka si ay u noqoto mid saraakiisha ka shaqeeya ay ku faanaan inay bulshada u adeegaan.
Saraakiisha amniga ayaa helaya caymis caafimaad oo dhameystiran.
Waxaa uu dhaqangelin doonaa nidaamka ay bulshada uga shaqeyso amniga ee community policing oo laga billaabaya deegaannada hoose.
Cid kasta oo qaabilsan uruurinta canshuuraha waxaa lagu sameynaya baaritaan hantiyadeed.
Mr. Mwaure ayaa ballanqaaday inuu dhaqangelin doono xeerka dastuuriga ee sinnaanta jinsiyadeed oo qeexaya in shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka kala duwan aynan wax ka badan saddex meelood labo meel ka soo wada jeedi karin hal jinsiyad ah.
Lacagaha ay dowladda u qoondeyso dhallinyarada , haweenka iyo naafada ee ay uga qayb qaadan karaan qandaraasyada ayuu maamulka Mwaure qorsheynaya inuu ka dhigo boqolkiiba 40.
Maamulkiisa ayaa sheegay inuu xaqiijin doono dhammaan lacagaha ku maqan dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Sidoo kale waxaa qorshaha hoggaamineed ee musharraxa madaxweyne ee xisbiga Agano qayb ka ah in la ansaxiyo xeer dhigaya in qandaraasyada qiimo ahaan ka hooseeya hal bilyan oo shilin in loo xiro oo keliya la siiyo shirkadaha maxalliga ah.
Mwaure ayaa xusay in dhammaan hoggamiyaasha kaniisadaha wadanka ka diiwaan gashan iyo qaadhiyaasha la shaqaaleysiin doono iyagoo noqonaya saraakiisha u xilsaaran in murannada lagu xalliyo qaab maxkamadda ka baxsan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu sameyn doono isbeddel dastuuri oo xaqiijinaya in shakhsiyaadka haysta diimaha kala duwan ay dowladdu si siman ula dhaqanto.
Mwaure ayaa ballanqaaday inuu canshuur la xiriirta wasaqaynta deegaanka ku soo rogi doono dadka isticmaala iyo shirkadaha soo saaro waxyaabaha caagga ka sameysan.
Uruurinta qashinka waxaa uu gaar uga dhigaya shirkadaha ururrada dhallinyarada ee ka jiro tuulooyinka oo ay soo magacaabaan golayaasha tuulooyinka.
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu ilaalin doono dastuurka dalka ee sanadkii 2010-ki si cidna aynan ugu sameyn isbeddelo dano gaar ah laga leeyahay.
Dhanka wax soo saarka beeraha waxaa uu David Waihiga Mwaure ballanqaaday in turxaan bixin lagu sameyn doono dhammaan saraakiisha wasaaradda beeraha.
Musharraxan ayaa haddii uu hoggaanka dalka qabto mamnuuci doono in wadanka la soo geliyo cuntooyinka aasaasiga ah sida galleyda, bariiska, hilibka, ukumaha iyo saliidaha cuntada lagu karsado.
Tani ayaa beeralayda maxalliga ah u fududeyn doonto inay macaash fiican ka helaan wax soo saarkooda.
Deegaannada oomanaha ayuu u ballanqaaday inay beeraha ku waraabsan doonaan biyaha tuubada.
Ismaamul waliba waxaa uu ka hirgelinaya waaxyo gaar oo qaabilsan xoojinta wax soo saarka dallagga meeshaasi ku habboon.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Agano David Waihiga Mwaure ayaa ballanqaaday in waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS loo xilsaari doono inay qaranka cunnto u beerto iyadoo isticmaalaysa dhulka dowladda.
Maamulka musharraxan ayaa mamnuuci doono in dalka dibadiisa laga keeno bacrimin oo uu sheegay inay siyaasiyiinta qaar ka faa’iidaystaan.
Dhanka caafimaadka waxaa uu baaritaano dabagal ah ku sameyn doonaa qandaraasyada caafimaad ee ay bixiso dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Sidoo kale waxaa la dabagalaya hantida shaqaalaha waaxda qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF .
Maamulka Mwaure ayaa soo dhisi doono guddiga qaran ee caafimaadka si loo xakameeyo qarashaadka sarreeya ee adeegyada caafimaadka isbitaallada gaarka ah iyo kuwa dowladda.
Maamulkiisa ayaa sidoo kale kuwa lacag la’aan ah ka dhigaya dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada.
Ballanqaadkiisa waxaa ka mid ah in manhajka waxbarasho lagu soo kordhiyo maaddo ku saabsan habdhaqan wanaagga.
Kiisaska musuqmaasuqa ayuu ballanqaaday in lagu soo gabagabeyn doono saddex bilood gudahooda.
Hanti dhowraha qaranka ayaa lahaan doono awood maxkamadeyn haddii David Waihiga Mwaure uu madaxweyne noqdo.