Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Agano Party, David Waihiga Mwaure ayaa maamulka canshuuraha ee (KRA), guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC) iyo taliyaha guud ee booliska wadanka Mr. Hillary Mutyambai ka dalbaday inay baaritaano ku sameyaan halka laga keeno qarashaadka isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio ay u adeegsanayaan ololahooda doorasho.
Mwaure ayaa hoosta ka xarriiqay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sida musharraxiinta si gaar ah kuwa u tartamaya hoggaanka dalka ay ku heleen lacagaha ay ku ololeynayaan.
Waxaa uu sheegay in iyadoo gudaha wadanka uu sicir barar xooggan ka jiro haddana in siyaasiyiinta ay lacago aad u badan isticmaalayaan.
Hoggaamiyaha xisbiga Agano ayaa dhanka kale ballanqaaday in haddii xilka madaxtinnimo loo doorto uu wax ka qaban doono musuqmaasuqa isagoo dib u soo celinaya hantida wadanka ee ku keydsan dibadda.