Museveni oo wiilkiisa u magacaabay taliyaha ciidamada militariga

0
219

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa xalay xilka taliyaha guud ee ciidamada difaaca wadankaasi u magacaabay wiilkiisa , Muhoozi Kainerugaba.
Tani ayaa timid ka dib markii Wilson Mbasu oo jagadaasi hayay uu wasiir noqday xilli la sameeyay isku shaandheyn.
Muhoozi ayaa horay ahaa la taliyaha madaxweynaha Uganda ee howlgallada gaarka ah.
Waxaa jagadii uu hayay Muhoozi la wareegay Peter Elwelu .
Sidoo kale waxaa uu horay u soo hoggaamiyay ciidamada difaaca ee (UPDF) .
Afhayeenka militariga Uganda ,Kulayigye ayaa bayaan ku sheegay in ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada difaaca ee dalkaasi loo magacaabay Samuel Okiding.