Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in cudurka Ebola laga cirib tiray wadankaasi.
Tilmaamooyinka hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxaa ka mid ah in loo baahan yahay in 42 cishe ay ka soo wareegto iyadoo aan qofna laga helin cudurka ka hor inta aan la shaacin in laga gudbay.
Tallaabada madaxweynaha Uganda uu qaaday ayaa ku soo beegmaysa saddex bilood ka dib markii cudurka Ebola dalkaasi laga diiwaangeliyay.
Xanuunka oo ay u dhinteen 56 qof si guudna saameeyay 142 ruux ayaa sababay in dowladda Uganda ay soo saarto xayiraado lagu xakameynaya faafitaankiisa.
Madaxweyne Museveni ayaa khudbad uu jeediyay ka sheegay inay ka guulaysteen cudurka isagoo u mahadceliyay shaqaalaha caafimaadka.




