Museveni oo saxiixay sharci dib u soo celinaya maxkamadeynta militariga ee dadka rayidka ah

0
164

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa saxiixay sharci u ogolaanaya maxkamadaha militariga inay maxkamadeeyaan dadka rayidka ah, baarlamaanka ayaa sheegay Isniintii, tallaabadaas oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay ku sheegeen inay jabineyso go’aankii maxkamadda ugu sareysa Uganda ee Supreme Court.
Dadka u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa in badan ku eedeeyay in dowladda ay maxkamado militari u adeegsatay si ay u silciso mucaaradka siyaasadeed ee Museveni, oo xukunka hayay ku dhawaad 40 sano. Gacan yarayaasha Museveni ayaa arrintan beeniyey iyagoo sheegay in dadka rayidka ah ee qoryaha u adeegsada qalalaasaha siyaasadeed kaliya lagu soo oogo maxkamadaha noocaan ah.
Go’aan ay soo saartay horraantii sanadkan ayay maxkamadda ugu sareysa Uganda ee Supreme Court ku mamnuucday dhaqankaas, iyadoo ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka.
Xukuumadda Museveni ayaa intaa ka dib soo bandhigtay sharci cusub oo ay ku doonaysay in lagu soo celiyo sharcigii maxkamadeynta militari ee dadka rayidka ah iyadhoo baarlamaanka uu ansixiyay bishii hore.
Ansixinta sharciga ka dib, af hayeenka militariga Uganda ayaa ammaanay, isagoo sheegay in uu “ka hor istaagi doono sameynta kooxo siyaasadeed oo mintidiin ah oo doonaya in ay afgambiyaan hababka dimoqraadiyadda”.
Mucaaradka ayaa sheegay in sharciga cusub uu jabinayo xukunkii maxkamadda Supreme Court.