Musalia oo amar siiyay wasaaradaha

0
310

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa soo saaray amar uu wasaaradaha kala duwan ee wadanka uga dalbanaya inay ugu dambeyn maanta soo gudbiyaan warbixinno ku saabsan sida ay uga soo bixi doonaan waxyaabaha dhanka horumarka ee uu mudnaanta koowaad siinaya maamulka Kenya Kwanza ee wadanka hoggaamiyo.
Bayaanka Mudavadi waxaa ku cad in loo baahan yahay in warbixinnada ay qayb ka yihiin arrimo uu soo hadal qaaday madaxweynaha wadanka William Ruto xilli uu shirka golaha wasiirrada ku guddoomiyay magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia.
Wareegtada Musalia Mudavadi ayaa lala wadaagay madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei iyo wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe.
Waxaa uu xusay in la doonaya in mar kale la dejiyo heshiisyada dhanka waxqabadka ee wasaaradaha maadaama saraakiil la kala wareejiyay sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyay waaxyaha qaar.
Nidaamkan ayay dowladdu u adeegsataa inay ku qiimeyso isla xisaabtanka iyo in shaqaalaha dowladda ay ka soo baxaan waajibaadkooda.