Musalia oo amaanay Wetangula

0
472

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula uu u qalmo inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka dalka.
Waxaa uu Wetangula ku tilmaamay siyaasi madax bannaan oo ka soo bixi karo jagadan.
Musalia Mudavadi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in isbeheysiga Kenya Kwanza uu leeyahay tiro ku filan oo Wetangula u suurtagelin karto inuu noqdo guddoomiyaha xiga ee baarlamaanka wadanka.