DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo xisbiga Jubilee ugu baaqay in uu aqbalo warbixinta guddiga wada hadallada qaran

0
210

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta ,Musalia Mudavadi ayaa dhaliil u jeediyay xisbiga Jubilee.
Waxaa uu xusay in mas’uuliyiinta xisbigan oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta aynan weli aqbalin warbixintii uu 25-kii bishii hore soo saaray guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ee NADCO.
Musalia Mudavadi ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Makueni hoosta ka xarriiqay in Jubilee ay ka tirsan tahay garabka mucaaradka ee Azimio oo ay wada hadallada ku matalayeen xubnaha uu hor kacayay hoggaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka.
Waxaa uu ku celceliyay in madaxweynaha dalka William Ruto uu doonaya mideynta kenyaanka sidaasi awgeedna uu fursad siiyay in laga wada xaajoodo qodobbo ay isku hayeen dowladda dhexe iyo mucaaradka.
Madaxa wasiirrada ee dalka ayaa su’aal geliyay sababta Jubilee ay hadda ugu qanacsanayn warbixin wada hadalladii laga soo saaray ay qayb ka ahayd.