Musalia Mudavadi oo sheegay in Kenya aynan ka dhicin xadgdubyada booliiska

0
229

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa difaacay sida gudaha Kenya looga ilaaliyo xuquuqul aadanaha iyo sharafta adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Xilli uu ka hadlayay meertada 44-aad ee shirka golaha fulinta Midowga Afrika oo lagu qabtay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayuu Mudavadi carrabka ku adkeeyay in booliiska Kenya aynan adeegsan awood xad dhaaf ah iyo arxaan darro lagula dhaqmo shacabka.
Waxaa uu xusay in haddii uu qofka kenyaanka ah wax tabanaya uu cabashadiisa ka dhanka ah booliiska u gudbin karo maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA) si tallaabo sharciyeed loo qaado.
Waxaa uu sheegay in dowladda talada haysa ay ka go’an tahay in aan loo dulqaadan in ciidamada ammaanka ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah.
Waxaa uu ka jawaabayay eedeyn loo jeediyay ciidamada ammaanka ee Kenya oo ahayd in aynan ilaalin xuquuqul insaanka.