Musalia Mudavadi oo sheegay in Kenya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeya Zimbabwe

0
232

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi oo magaalada Harare uga qayb galay dhaarinta madaxweynaha wadankaasi Dr. Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa sheegay in Kenya ay ka go’an tahay inay sare u soo qaaddo xiriirka kala dhexeya Zimbabwe.
Waxaa uu guul u rajeeyay Mnangagwa oo maalmo ka hor markii labaad loo doortay xilka madaxtinnimo.
Sidoo kale waxaa uu Mudavadi tilmaamay in dowladda dhexe ay daneynaysa xoojinta iskaashiyada heer goboleed ah iyo taageeridda dadaallada xasilinta ee Afrika.