Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa saraakiisha xisaabaadka ee wasaaradaha dowladda dhexe uga digay ku takhriifalka kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sarkaalkii si aan habboonayn u isticmaalo dhaqaalaha dowladda ee shacabka loogu adeego in laga qaadaya tallaabo sharciyeed.
Xilli uu ka qayb galay munaasabadii lagu soo bandhigayay warbixinta qiimeynta waxqabadka wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda dhexe ayuu Mudavadi carrabka ku adkeeyay in u hoggaansanka xeerarka dastuuriga aynan ahayn arrin uu qofku doorbidi karo.
Waxaa uu sheegay in maamulka talada dalka haya ee Kenya Kwanza ay ka go’an tahay in kheyraadka dadweynaha lagu maareeyo si mas’uuliyad iyo isla xisaabtan ku dheehan.
Home Wararka Kenya Musalia Mudavadi oo saraakiisha xisaabaadka uga digay lunsashada kheyraadka dadweynaha