Musalia Mudavadi oo meesha ka saaray suurtaglnimada in Raila iyo Kalonzo ay dib u soo noolenayaan isbahaysigii NASA

0
549

Hogaamiyaha xisbiga Amani National Congress (ANC) Musalia Mudavadi ayaa ku gacan seeray suurtagalnimada ah in hoggaamiyayaashii NASA ay iska kaashan karaan doorashada madaxtinimada ee 2022-ka.
Waxaa uu xusay in isbahysigii NASA uu yahay mid burburay.
Mudavadi, oo labo maalmood oo booqasho ah ku joogay gobolka Xeebta ee dalka si uu u xoojiyo ololihiisa madaxtinimada ayaa ka dawaajiyay in saaxibadiisii kale ee ay iskala tirsanaayeen NASA ay khayaameen.
Hadalkiisa ayaa waxaa taageeray Senetarka Kakamega Cleophas Malala kana tirsan xisbiga ANC.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Kenneth Marende oo safarka ku wehilnayay ayaa soo bandhigay taageerida hiigsiga madaxweynenimo ee Mudavadi.
Jimcihii ayay ahayd markii hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga uu carabka ku dhuftay in madaxdii ay iskala tirsanaayeen isbahaysiga NASA sida Kalonzo, Mudavadi iyo Wetangula ay weli iskala shaqeyn karaan doorashada soo socota ee 2022-ka.