Musalia Mudavadi oo la kulmay safiirka Ingiriiska ee Kenya

0
383

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu wada hadal la yeeshay danjiraha boqortooyada Ingiriiska ku matalo Kenya Ambasadoor Neil Wigan.
Waxaa uu kulanka ku tilmaamay mid wax ku ool ah.
Mudavadi iyo Wigan ayaa diiradda saaray dhinacyada ay labada dowladood iska kaashadaan sida mashruuca marinka tareennada ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale , waxay ka wada hadleen nabadgalyada iyo amniga gobolka gaar ahaan xaaladda jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxay qiimeyn ku sameeyeen dadaallada dhexdhexaadinta ee socdo ee la doonaya in nabad waarta lagu soo dabbaalo DRC.
Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa xusay in Kenya iyo UK ay sii ahaan doonaan saaxiibbo dhow oo dan wadaag ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay labaduba sii xoojin doonaan xiriirrada dhaqaale iyo dibloomaasiyadeed ee ka dhexeeya si shacabka ay uga faa’iidaystaan.