Musalia Mudavadi oo Kulan Diblomaasiyadeed Sare Kula Jira Mas’uuliyiinta Mareykanka si Loo Xoojiyo Xiriirka Kenya iyo Maraykanka

0
422

Madaxa wasiiradda dalka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi, ayaa haatan ku sugan magaalada Washington ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu uga qeyb galayo wadahadallo laba geesood ah oo lagu doonayo in lagu sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka.
Booqashada Mudavadi ayaa ka dambeysay martiqaad rasmi ah oo uga yimid dowladda Mareykanka, waxayna calaamad u tahay is-dhexgalkii ugu heerka sarreeyay ee labada dal tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Donald Trump.
Maanta ayaa la filayaa in Mudavadi uu la kulmo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.
Mudavadi ayaa shalay gaaray Washington, wuxuuna kulan la qaatay Brian Mast, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, kulan kaas oo ka dhacay xarunta Capitol Hill.
Intii uu socday wadahadalkooda, Mudavadi ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Kenya, gaar ahaan dedaalka lagu xasilinayo gobolka iyo nabadeynta Geeska Afrika.
Safarkan ayaa lagu tiriyaa mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah diblomaasiyadda Kenya, iyadoo la rajeynayo in ay kasoo baxaan heshiisyo iyo iskaashi dheeraad ah oo faa’iido u leh labada dhinac.