Musalia Mudavadi oo baaq u diray siyaasiyiinta

0
189

Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa hoggaamiyaasha la soo doortay ku boorriyay inay siyaasadda yareeyaan oo ay xooggan saaraan wax u qabashada dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxdan laga doonayo inay wax ka beddelaan nolosha muwaadiniinta oo ayna kaalin ka qaataan yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Musalia ayaa carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee kenyaanka looga fududeyn karo culeysyada dhaqaale ay tahay in ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Madaxa wasiirrada ee dalka ayaa dhanka kale hoggaamiyaasha uga digay inay ku tagriifalaan kheyraadka dadweynaha.