Musalia Mudavadi oo baaq u diray Kenyanka

0
372

Madaxa wasiirada ee dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Kenya Musalia Mudavadi ayaa ka codsaday Kenyaanka inay dhowraan nabadda iyo wada noolaanshaha dalka ayna ku dadaalaan sidii ay u difaaci lahaayeen wax kasta oo kicin keenaysa.
Mudavadi waxa uu sheegay in Kenyaanka ay joojiyaan aflagaadeynta ay ku hayaan saraakiisha ammaanka oo waqtigooda inta badan ku bixinayey sidii ay uga difaaci lahaayeen muwaadiniintooda khatarta ka iman karta gudaha iyo dibadda dalka.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu magaalada Abuja ee dalka Nigeria kula kulmay xubno ka tirsan qurba-joogta Kenya.
Waxaa uuna halkaas uga qeyb galayay shirka 32-aad ee Afrexim Bank.
Dr Mudavadi ayaa sheegay in si hoose uu u ogyahay khataro dhawr ah oo ay fashiliyeen saraakiisha ammaanka oo aysan ka warqabin Kenyaanka.
“Waxaan rabaa in aan kuu sheego in ay jiraan dad aan seexan si aad u seexato, had iyo jeer waxay hubinayaan in aad si raaxo leh u nooshahay ,Waxaan helnaa khataro badan oo amniga ah oo la fashiliyay dadaalna lagu bixiyay,” ayuu yiri Mudavadi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in Geeska Afrika ay ka jiraan colaado iyo caqabado fara badan oo dhinaca bulshada ah, loona baahan yahay in dadka Kenya si wanaagsan u noolaadaan, haddii uu burburo ammaanka gudaha Kenya, in arrinta khataraha dibadda ay dhibaato weyn ku noqon doonto dalka.