Musalia Mudavadi iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo wada hadlay

0
219

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Ingiriiska David_Cameron oo horay u soo noqday ra’iisul wasaarihii UK.
Waxaa uu Mudavadi hoosta ka xarriiqay in isaga iyo David Cameron ay ka wada hadleen arrimo caalami iyo kuwo heer gobol ah.
Mas’uuliyiintan ayaa xusay inay aad muhiim u tahay ka shaqeynta nabad galyada iyo xasiloonida gobolka.
David Cameron ayaa dowladda Kenya ku bogaadiyay dadaallada nabad galyada iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada ee ay ka wado gobolka .
Musalia Mudavadi ayaa qoraal ku sheegay in Mr. Cameron uu uga warramay waxyaabaha ku soo kordhay duullaanka Ruushka ee Ukraine.
Labada mas’uul ayaa cadeeyay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Ingiriiska si looga wada faa’iido.
Musalia Mudavadi ayaa dhanka kale David Cameron ugu hambalyeeyay xilka xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain ee dhawaan loo magacaabay.