Murkomen:Xogta mashaariicda waddooyinka waxaa laga dhigaya dijitaal

0
290

Wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in wasaaradda ay ka baaran degayso sidii loo casriyeyn lahaa macluumaadka la xiriira mashaariicda dhanka waddooyinka.
Tani ayaa fududeyn doonto in si dhow loola socdo qandaraaslayaasha iyo marxaladaha kala duwan ee mashaariicda ay gacanta ku hayaan.
Murkomen ayaa xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay la xisaabtanka qandaraasleyda.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in laga billaabo bisha Jannaayo ee sanadka soo socdo dib loo billaabi doono dhisidda waddooyinka.