Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka Kipchumba Murkomen ayaa u xaqiijiyay Kenyaanka in dhoolatuska qorista booliiska ee soo socda uu noqon doono mid ka madax banaan musuqmaasuq.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Kisumu, ayuu Murkomen sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay meesha ka saarto sheegashooyinka laaluushka iyo in la xaqiijiyo in dadka mudan oo kaliya ay ku biiraan adeegga qaran ee booliiska (NPS).
Waxaa uu shaaca ka qaaday in Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja iyo saraakiil ka tirsan Guddiga Qaranka ee Adeegga Booliiska (NPSC) ay ka shirayeen dhamaystirka xeerarka hagi doona qorista soo socota.
Wasiirka ayaa waxaa uu qiray in musuqmaasuqa uu muddo dheer xumeeyay wajiga NPS waxaa uuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo bilow cusub. Waxaa uu tilmaamay golayaasha ka qaybgalka aasaasiga ah ee socda, Jukwaa la Usalama, taasoo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee wax looga qabanayo musuqmaasuqa nidaamka ee ka dhex jira adeegga.
Dhanka kale Guddiga NPSC ayaa shaaciyay taarikhda rasmiga ah oo ay bilaabmi doonto qorista saraakiisha cusub ee ammaanka taasoo ay sheegeen inay dhici doonto inta u dhaxeysa 3-da ila 9-aalka October ee sanadkan.
Marka la eego arrimaha doorashada, Murkomen ayaa waxa uu ka digay wax is daba marin ka hor doorashooyinka ku celiska ee loo qorsheeyay bisha November. Waxaa uu sheegay in dowladda aysan u dulqaadan doonin xadgudubyada ka dhanka ah doorashada, islamarkaana laamaha ammaanka ay u diyaar garoobeen ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.
Waxaa uu uga digay musharaxiinta in ay carqaladeeyaan kuwa ka soo horjeeda, isaga oo carabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo ku xadgudubka IEBC ay wajihi doonto xarig iyo maxkamadeyn.
Home Wararka Kenya Murkomen oo xaqiijiyay in qoritaanka booliiska uu ka madax bannaanaan doono musuqmaasuqa