Murkomen oo toddobaadka dambe hor tagi doono baarlamaanka

0
138

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa amar ku bixiyay in maalinka Arbacada ee toddobaadka dambe uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ka soo hormuuqdo golaha xeer dejinta.
Waxaa laga doonaya inuu ka jawaabo su’aallaha xildhibaannada ee ku saabsan dilkii Albert Ojwang’.
Amarka Wetang’ula ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah xubnaha ay sheegeen in aynan ku qancin warbixin uu soo gudbiyey guddoomiyaha guddiga arrimaha amniga iyo maamulka qaran ee baarlamaanka Gabriel Tongoyo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen , taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja iyo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin ay hor tageen aqalka sare.
Waxay ka jawaabeen su’aallo ay waydiiyeen senatarrada iyagoo ballan qaaday in laga sal gaari doono sidii uu u dhacay dilkii Albert Ojwang’.