Murkomen oo sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid walbo oo maalgeliso burcadda

0
372

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Onesmus Kipchumba Murkomen ayaa baaq u diray siyaasiyiinta maalgeliya kooxaxa burcadda si ay u carqaladeeyaan shirarka iyo adeegyada kaniisadaha.
Murkomen ayaa sheegay in dowladda ay hayso xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in siyaasiyiinta ay maalagelinayaan burcadda ka hor doorashada guud ee 2027-ka.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Mombasa Isniintii halkaas oo uu ka bilaabay socdaalkiisa todobaadlaha ah ee 6-da gobol ee xeebta ayuu Wasiirka ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxaha burcadda hubeysan ee dalka oo lagu eedeeyay inay argagax geliyaan dadka deegaanka.
Murkomen ayaa isla mar ahaantaa dafiray ku lug lahaanshaha dowladda ee isku dhacii kaniisada Rigathi Gachagua ee Axadii sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenkii hore.
Wasiirka oo toddobaadkan dhan ku sugnaani doono gobolka Xeebta si wax looga qabto khatarta burcadda, ayaa sidoo kale wax ka qaban doona hanjabaadaha joogtada ah ee Al Shabaab ee ismaamulka Lamu, isticmaalka maandooriyaha iyo arrimo kale.