Murkomen oo meesha ka saaray eedeymaha Gachagua ee ah in laba wasiir ay ku lug leeyihiin ganacsiga daroogada

0
382

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kipchumba Murkomen, ayaa si cad u beeniyay eedeymo sheegaya in laba wasiir oo ka tirsan golaha wasiirrada ay ku lug leeyihiin shabakado ka ganacsada daroogo, xilli dowladda ay sheegtay inay xoojinayso dagaalka ka dhanka ah mukhaadaraadka.
Hadalkan Murkomen ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka hore ee dalka Rigathi Gachagua uu ku andacooday in laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne William Ruto ay si firfircoon uga qayb qaadanayaan ganacsiga daroogada. Gachagua ayaa horay u sheegay in arrintan ay muujinayso in dowladda aanay dhab ka ahayn la dagaallanka balwadda.
Wareysi uu bixiyay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Gachagua ayaa ku eedeeyay dowladda inay dayacday mas’uuliyaddeeda, isagoo sheegay in magacaabista laba wasiir oo lala xiriirinayo daroogo ay caddeyn u tahay in arrinta aan si dhab ah loo wajahayn. Waxaa uu xusay in daroogada iyo mukhaadaraadka ay mar kale kusoo badanayaan dalka.
Murkomen, oo Isniintii shalay ahayd ka hadlayay wareysi uu siiyay talefishinka maxalliga ahe ee Citizen, ayaa ku tilmaamay hadallada Gachagua kuwo siyaasadaysan oo aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaa uu sheegay in dhammaan wasiirrada ay mareen baaritaanno adag ka hor inta aan la magacaabin, isla markaana haddii caddayn jirto aanu jirteen qof xil haya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale sheegay in Gachagua aanu lahayn anshaxa iyo xaqa uu ugu hadli karo arrimaha daroogada iyo khamriga, isaga oo ku eedeeyay waxqabad liita intii uu ahaa madaxweyne ku xigeen. Murkomen ayaa ku dooday in Gachagua uu hadallo badan ku daboolayo karti darro uu ku sifoobay muddadii uu ka tirsanaa golaha wasiirrada.
Ugu dambayn, Murkomen ayaa uga digay hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay sameeyaan eedeymo aan caddayn lahayn, isagoo sheegay in hadallada noocaas ah ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo dadaallada dowladda ee la dagaallanka daroogada.