Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Qaran Kipchumba Murkomen ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah kooxaha tuugada ee mootooyinka isticmaala ee ismaamulka Vihiga.
War qoraal ah oo uu soo saaray Sabtidii shalay ayuu Murkomen ku sheegay in kooxahan lala xiriirinayo in ay carqaladeeyaan isu socodka dadka iyo gaadiidka, faragelinta xafladaha aaska iyo in ay dhac ka geystaan guud ahaan dowlad deegaanka.
Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay beegsan doonaan kooxaha burcadda ah si looga hortago in xaaladda ay noqoto mid khatarteeda leh.
Isla mar ahaantaana, Murkomen ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada sii kordheysa ee daroogada iyo maandooriyaha ee dowlad deegaanka Vihiga.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay sare u qaadi doonaan howlgalada ka dhanka ah dadka sida weyn uga ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, taasi oo qeyb ka ah la dagaalanka Khamriga iyo maandooriyaha.
Intaa waxaa dheer, waxaa uu faray saraakiisha maamulka ee Vihiga inay xoojiyaan isku imaadka dadweynaha si ay bulshada uga wacyigeliyaan isticmaalka maandooriyaha.
Tani ayaa waxaa ay imaaneysaa maalmo kadib markii wasiirka uu ku amray hay’adaha ammaanka inay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha dambiilayaasha ah ee bartilmaameedsanaya Kenyaanka ee gudaha xaruunta dhexe ee ganacsiga ee Nairobi CBD.