Murkomen oo digniin u diray Gachagua iyo xulafadiisa

0
452

Wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa uga digay siyaasiyiinta, oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, inay soo farageliyaan ciyaaraha afar dhamaadka koobka qaramada Afrika (CHAN) ee Jimcaha ka dhici doono garoonka Kasarani.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Murang’a intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay maanta ayuu Murkomen waxaa uu sheegay in Adeegga Qaran ee Booliiska ee NPS uu xoojin doono amniga si loo hubiyo in aysan dhicin wax carqalad ah inta lagu jiro wareega 8-da, markaasoo xulka qaranka ee Harambee Stars la filayo inay wajahaan xulka waddanka Madagascar.
Murkomen, oo sidoo kale shacabka Kenyaanka ah ku dhiiri galiyay inay sii wadaan taageerada ay siinayaan xulka qaranka, ayaa xaqiijiyay in dowladda ay weli ka war sugeyso xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF, si loo xaqiijiyo in la dejiyo hab maamuusyada amniga ee lagama maarmaanka u ah in ciyaartu ay noqoto mid aan kala go’ lahayn.