Murkomen oo bogaadiyay waxqabadka ciidamada ammaanka

0
353

Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa ciidamada ammaanka ku bogaadiyay in ay naftooda u hureen difaaca dalka.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha aynan xilli fasaxeedka Christmas farxadda la qaybsan qoysaskooda sidaasi awgeedna ay mudan yihiin in dadaalkooda lagu ammaano.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu booqday saldhigyada amni ee degmooyinka Ng’aratuko ,Tot, Kainuk iyo Turkwell ee Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Waxaa uu wasiir Murkomen sheegay in ciidamada qaybta ka ah howlgalka lagu cirib tiraya burcadda xoolaha dhacda ee loogu magacdaray Maliza Uhalifu ay deegaannadaasi dib ugu soo celiyeen xasilloonidii ay shacabka u baahnaayeen.