Murkomen oo ballan qaaday dib u habaynta adeegga booliiska ee ku salaysan muwaadinka

0
357

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen ayaa dib u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay dib u habeynta booliiska ee dadka udub dhexaad u ah, isagoo ballan qaaday inuu xoojin doono kalsoonida shacabka, hufnaanta, iyo isla xisaabtanka dhanka fulinta sharciga.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray furitaanka xarunta Fichua Kwa DCI ee magaalada Nairobi oo la cusboonaysiiyay, Murkomen ayaa sheegay in dowladda ay ka shaqaynayso sidii ay u beddeli lahayd adeegga qaran ee booliiska mid jawaab celin leh, oo diiradda saaraya muwaadiniinta. Xaruntan oo lagu sameeyay iskaashiga amniga ee Kenya iyo Ingiriiska, ayaa hadda leh barta warbixineed ee WhatsApp ah iyo server soo kabasho oo horumarsan si ay u taageerto warbixinta dembiyada sirta ah ee dadweynaha.
Waxaa uu xusay in xaruunta Fichua Kwa DCI ay u saamaxdo dadka Kenyaanka ah in ay si qarsoodi ah u soo sheegaan dembiyada, waxaa ayna hore u “caawisay in la xalliyo kiisas adag oo ku lug leh dil, ka ganacsiga dadka, tahriibinta maandooriyaha, iyo argagixisada.”
Waxaa uu daboolka ka qaaday in dib u habayntan looga golleeyahay in dib loogu soo celiyo kalsoonida ay shacabka ku qabaan hay’adaha ammaanka iyo sidii loo kobcin lahaa wada shaqayn dhow oo dhexmarta muwaadiniinta iyo booliiska.
Murkomen ayaa waxaa uu meesha ka saaray sheegashada ah in Waaxda dambi baarista ee (DCI) ay u shaqeeyo si qarsoodi ah, isaga oo carabka ku adkeeyay in saraakiisha ay si hufan u adeegaan si guudna loo yaqaano.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in Dastuurka dalka uu dalbanayo Adeegga Qaran ee Booliiska oo hufan, isla xisaabtan ah oo u shaqeeya adeeg ahaan, ee aan u shaqeyn qof shaqsiyan. Waxaa uu qiray in kalsooni darada ka dhex jirta muwaadiniinta iyo booliiska, isagoo tusaale u soo qaatay dhacdooyin hore oo labada dhinac ah oo keenay kala fogaanshiyaha dhinaca aragtida.
Murkomen ayaa intaa ku daray in dowladda ay xoogga saareyso xoojinta muwaadiniinta iyo tababaridda saraakiisha, isagoo xusay in qalabeynta booliiska xirfadeed ay muhiim u tahay bixinta adeeg hufan.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay safiirka Ingiriiska u fadhiya Kenya, Neil Wigan, Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja, Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Adeegga Booliiska Maamulka Gilbert Masengeli, iyo Agaasimaha Waaxda Dambi Baarista Maxamed Amiin.