Murkomen: La dagaallanka xagjirnimada diinta waxaa ay u baahan tahay dadaal bulsho oo loo dhan yahay

0
373

Wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay in bulshada oo dhan ay u midoowdo sidii loo wajahi lahaa la dagaalanka xagjirnimada, isaga oo ka digay in ku tiirsanaanta booliiska oo kaliya aysan ku filneyn ka hortaga masiibadan galaafatay kumanaan muwaadin.
Murkomen ayaa hadalan jeediyay xilli uu ka qayb galay barnaamijka Monday Report ee Talefishinka maxalliga ee Citizen, isaga oo barbar dhigay xasuuqii Shakahola iyo dhimashadii dhawaan ka dhacday Kwa Binzaro, isaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Kenyaanka ay xil weyn iska saaraan ilaalinta bulshadooda.
Wasiirka ayaa waxaa uu tusaale u soo qaatay fashilada ku timid qaab dhismeedka bulshada, sida Hay’adda isbaheysiga dadka deegaanka ee Kenya (KARA), taasoo uu sheegay inay tahay inay door xoogan ka ciyaaraan uruurinta iyo u gudbinta xogta hay’adaha ammaanka.
Waxaa uu xusay in kiiska Shakahola, xagjirnimadu ay gaartay heerkii ugu darnaa ee ay u dhintaan gaajo baahsan, haddana calaamadaha digniinta ah aanan la dareemin.
Waxaa kaloo uu shaaca ka qaaday in is xakamaynta machadyada diinta ay qeyb ka tahay tallaabooyinka looga hortagayo faafinta xagjirnimada.
Madaxa fulinta ee KARA Henry Ochieng, oo sidoo kale ka soo muuqday barnaamijka, ayaa qiray in kalsooni darro u dhaxaysa muwaadiniinta iyo booliiska ay sii wado wiiqitaanka wadaagista xogta muhiimka ah.
Doodan ayaa ku soo aadeysa iyadoo booliiska ay xoojiyeen baaritaanada lagu hayo xasuuqii Kwa Binzaro, halkaasoo ilaa iyo hadda 34 meyd laga soo saaray qabuuro ku yaal ismaamulka Kilifi.
11 eedeysane ayaa hadda xabsiga ku jira, iyadoo afar la sheegay inay yihiin tuhmanayaal muhiim ah. Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhibbanayaasha badankood ay ahaayeen dad aan ka soo jeedin deegaanka.